Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Magacaabay Guddi Sare Oo U Qaabilsan Doorashada

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa habeenkii xalay aheyd magacaabay Guddi Sare ee Farsamo oo ka taageeraya arrimaha doorashooyinka dalka.

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu ku magacaabay Guddiga Sare ee Farsamada ee ka taageeraya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha arrimaha doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dhacaan dalka , kuwaasi oo ka kooban 7-xubnood.

Guddigan ayaa howshiisa tahay isku xirka dhammaan howlaha doorashooyinka ee hey’adaha ku shaqada leh, sida Beesha Caalamka, Golaha Wadatashiga Qaran iyo Guddiyada kale ee doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Guddigaan uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa Guddoomiye loo dhigay Cabdulqaadir Cimi Cali, waxaana Guddiga ku jira Cumar Maxamed Cabdulle oo mar soo noqday Guddoomiyhii Gudigii doorashada ee sanadkii 2016.

Magacaabista guddiga farsamada ee doorashada ayaa timid kaddib markii jahwareer ka dhashay qaabka uu Ra’iisul Wasaare Rooble uu mareynayo mas’uuliyadda loo igmaaday qabashada doorasho loo dhanyahay.