Maamulka Galmudug Oo Soo Saaray Digniin Ku Socota Shacabka

0

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedka oo is kaashanaya ayaa howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab ka bilbaabay deegaano hoostega Caasimadda Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa howlgalka oo ahaa mid qorsheysan sigaar ah uga sameeyay deegaanada kala ah Beer Liibaan Galle, Dharjo iyo Hogdugaag oo Dhuusamareeb u jira 70-KM.

Gudoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimadda Galmudug Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geedaqorow oo ka hadlay howlgalka ayaa shacabka ugu baaqay in aysan la shaqeyn Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdiraxmaan Geedaqorow ayaa sheegay in cidii lagu ogaado inay la shaqayso Al-shabaab ay u arkaan inuu lamid yihiin Shabaabka, isla markaana uu maamulka ka qaadi doono tallaabo sharci ah.

Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo Maxkamadda Ciidamada qeybta 21-aad ayaa iyaguna sheegay inay sii socon doonaan howlgalka la doonayay in Shabaab looga saaro deegaanada ay dowlad Goboleedka Galmudug kaga sugan yihiin.