Turkiga Oo Laga Codsaday Inuu Baaris Ku Sameeyo Ciidanka Ka Jooga Somalia

0

Xisbiga Mucaaradka ee ugu weyn Turkiga ee CHP ayaa doonaya in Baaritaan Barlamaani lagu sameeyo Shirkadda Qandaraaslaha Ciiddan ee lagu magacaabo SEDAT,taasi oo lagu eedeynayo inay Maleeshiyooyin Jabhadda Al-Nusra ku tababaraan gudaha dalka Syria.

Shirkadda SEDAT oo Xiriir dhow la leh Dowladda Turkiga iyo Madaxweyne Erdogan waa Shirkad La-talin Difaaca Caalamiga  oo Khaas loo leeyahay, waxayna Xarumaheeda Dhexena ku yaallaan maaalladda Istanbul.

Shirkadda Qandaraasyada ee SADAT International Defense Consultancy waxaa sanadkii 2012-kii asaasay Cadnaan Tanriverdi, oo ah Jeneral Hawlgab ah iyo La-Taliyihii hore ee Madaxweyne Erdogan ee Arrimaha Milliteriga.

Unal Jevikoz oo horey u ahaaKu-xigeenka Duqa magaalladda Istanbul ee Xisbiga CHP iyo Danjire hore ayaabuuxiyey Codsiga Baaritaanka ee uu Xisbiga Mucaaradka CHP u gudbiyeen Barlamaanka Turkiga ee ka dhanka ah Shirkadda Qandaraaslaha ee SADAT.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay Shirkadda SADAT kuxad-gudubtay Go’aanadii Golaha Ammaanka ee QM ee dalalka ay aafeeyeen Colaadaha, gaar ahaan Libiya iyo Syria, isla markaana ay SADAT tababarMilliteri siiyaan dadka rayidka, dhismaha Ciiddamo kale. Daabulida Calooshood UShaqeystayaasha iyo Tahriibinta Hubka sharci-darrada ah.

“Eedeymahan waxay aad u wiiqayaan Sumcadda Turkiga eeCaalamka, waxayna keeni kartaa Natiijada Cawaaqib-xumida” ayuu yiri Unal Jevikoz oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka Turkiga ee CHP.

Dhinaca kale, waxa uuugu baaqay Barlamaanka Turkiga inay baaraan Hawlaha Tababarka Ciiddan ee ay Shirkadda SADAT ka fuliyaan dalalka Somalia, Syria iyo Libiya iyo haddii ayShixnadaha Hubka ee ay u daabuleen saddexdaasi Waddan xadgudub ku yahay Go’aanadii Golaha Ammaanka ee QM ee Cunaqabataynta Hubka la saaray Somalia, Syria iyo Libiya.

Qoraalka ay Xisbiga Mucaaradka Turkiga ee CHP u direen Barlamaanka dalkaasi waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Midowga Siyaasiyiinta Mucaaradka Somalia ay horey Cabasho Qoraal ah ka gudbiyeen Shixnadaha Hubka ee ay Dowladda Turkiga ugu deeqdo DFS, iyadoo ay Ciiddanka Dowladda ay horey hubkaasi ugu adeegsadeen Dibadbaxyadii Mucaaradka ka dhigeen Muqdisho bilowgii sanadkan  iyo weerarkii kale ee lagu qaaday Madaxweynayaashii hore ee dalka ee  Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Turkiga waxay Saldhig Milliteri kuleeyihiin magaalladda Muqdisho oo lagu tababaray Kumanaan ka tirsan qeybahakala duwan ee Ciiddanka Dowladda ee SNA.