Lacagta Shillin Soomaaliga Oo Ka Socon Weyday Gudaha Puntland

0

Lacagta Shilin Soomaaliga ayaa lagu soo warramayaa inay Isticmaalkeeda ka socon weyday gudaha Magaalooyinka dowlad Goboleedka Puntland, isla markaana lacagta Shillinka lagu daadiyay waddooyinka waaweyn.

Qaar kamid ah Ganacsatada deegaanada Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay bilaabeen daadinta lacagta Shilin Soomaaliga ah, kadib markii ay sheegeen in dadka isticmaalkeeda ka aamin baxeen.

Sidoo kale Ganacsatada ayaa tilmaamay in lacagta Shillinka ay ka shaqeyn weyday  gudaha Magaalooyinka dowlad Goboleedka Puntland, taasina ay tahay sababta ku keentay inay daadiyaan lacagta, isla markaana ay waayeen dad wax uga iibsada.

Waxaa kaloo Ganacsatada ay sheegeen in weli uusan Isbedel ka muuqan Go’aano kala duwan oo horey u soo saareen Guddigii Maamulka Puntland u xil-saaray socod siinta lacagta Shilinka oo horey Ganacsatada qaarkood u diideen.

Tiro dhawr jeer ah ayay dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaaalooyinka Maamulka cabasho ka muujiyeen Isticmaalka Lacagta, iyagoona dhigay banaanbaxyo ay uga soo horjeedan Sicir barar xoogan oo halkaas laga dareemay.

Puntland Maamulka ayaa horey  dhowr jeer u soo saaray go’aano ku aadan xal u helida diidmada lacagta Shillinka, iyadoona la tilmaamay in Go’aankii ugu dambeeyay uu ahaa mid culays horleh ku keenay Ganacsiga.