Al-shabaab oo weerar ku qaaday gaari bas ah oo marayay Mandhera

0

Laba qof oo Rakaab ah ayaa geeriyootay, 10 kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray kadib markii koox ka tirsan Al-shabab ay weerareen laba gaari oo bas ah, xili uu marayay meel u dhow magaalada Mandera ee dalka Kenya.

Saraakiisha Magaalada ayaa sheegay in labada bas ay ahaayeen kuwo kusii jeeday Mandera markii ay la kulmeen weerar uga yimid dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab.

Goobjoogaayal ayaa sheegay in mid kamid ah baskii weerarka qabsaday uu qalibmay maadama rasaas xoogan uu kala kulmay dagaalamayasha Al-shabab taa oo kordhisay dhaawada dadka rakaabka ah oo kuwa qaarkood ay aad halis u yihiin.

Taliyaha Booliska Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa u sheegay warbaahinta in kuwa weerarka fuliyay ay goobta ka baxsadeen inta aysan ciidamada amaanka Kenya ay goobta soogaarin.

Taliyaha ayaa hadalkiisa intaa raaciyay in ciidamada amaanka Kenya ay ku raad joogaan kooxda weerarka fulisay waxaana howlgal ay ka wadaan xadka ay wadaagan Somalia iyo Kenya.