Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo ka hadlay howlgalka ka socda G/Sh/Dhexe

0

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal ay ciidamada xoogga ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka shabeellada Dhexe.

Wasiirka ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana deegaano dhowr ah laga saaray kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in weli ku raad joogaan dagaalameyaasha kale ee ka cararay goobta dagaalka.

Wasiirka ayaa shacabka ugu baaqay in lala shaqeeyo ciidamada xoogga dalka, si loo kordhiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in weli Howlgalka uu ka socda deegaano ka tirsan gobolka Shabeelada dhexe.