SAWIRO: Guddoomiyaha Cusub ee Dalladda SAFE oo xilka la wareegay.

0

Magaalada Magaalada waxaa maanta lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay xilalka ku kala wareegaayeen Gudoomiyaha cusub ee Dalladda Waxbarashada SAFE Mudane Keyse Mayow Abul-Xuseen iyo guddoomiyihii hore Mudane Prof. C/raxmaan Macalin Axmed (Ablaal).

Xafladda waxa ka qeyb galay guddiga hogaanka sare ee Daladda Waxbarashada SAFE oo uu ugu horeeyo guddoomiyihii hore ahna aas aasaha Dalladda SAFE mudane Prof. C/raxmaan Macalin Axmed (Ablaal).

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 7 bisha Juun 2021 waxaan xilka Guddoomiyaha si rasmi ah ugu wareejiyay Walaalkeey Keyse Mayow Abul-Xuseen oo aan aaminsanahay inuu xilkan ka soo bixi karo una qalmo hogaaminta Dalladda SAFE ”. ayuu yiri Prof. C/raxmaan Ablaal oo kahadlaayay xafladda Xi lwareejinta.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Keyse Mayow uu awood, karti iyo aqoonba u leeyahay shaqada loo igmaday isla markaana uu dalbaday in lala shaqeeyo.

“Aniga maanta laga bilaabo waxaan ahay xubin ka tirsan guddiga sare ee Dalladda SAFE, waxaan codsanaya in lala shaqeeyo Guddoomiye Keyse Mayow, anigana waxaan diyaar u ahay inaan si dhow ula shaqeeyo”. ayuu mar kale yiri Guddoomiyihii hore ee Dalladda Prof. Cabdiraxmaan Ablaal.

Guddoomiyaha cusub ee Dalladda Waxbarashada SAFE Mudane Keyse Mayow Abul-Xuseen oo dhankiisa ka hadlay xafladda Xilwareejinta ayaa soo dhaweeyay xilka lagu wareejiyay.

“Waxaan u mahad celinaya guddiga hogaanka sare ee Dalladda SAFE oo ii idmaday iguna aaminay xilkaan culus, waxaan balan qaadaya inaan si daacad ah waajibkeyga u gudanayo, sidoo kale waxaan amaanaya guddoomiyihii hore oo mudadii uu xafiiska joogay muujiyay karti iyo dulqaad”. ayuu yiri guddoomiye Keyse Mayow.

Ugu dambeyn waxaa xafladda ka hadlay Dr. Maxamuud Maxamed Cabdullaahi, Prof. Cabdullaahi Cali Axmed (Koyto), Eng. Xuseen Calas Cabdi iyo Prof. Cashir Cabdullaahi Maxamuud oo dhamaantooda amaanay soona dhaweeyay guddoomiyaha cusub ee Dalladda SAFE Mudane Keyse.

Guddoomiyaha cusub ee Dalladda Waxbarashada SAFE mudane Keyse Mayow Abul-Xuseen ayaa mudo dheer ka mid ahaa bahda waxbarashada, isaga oo mudo badan ka soo shaqeeyay horumarinta Waxbarashada dalka.