Imaaraadka Carabta Iyo QM Oo Kulan Gaar Ah Ka Yeeshay Xaaladda Somalia

0

Danjira Imaaraadka Carabta u jooga Somalia, Ambassador Maxamed Axmed Cuthmaan Al-Xamadi iyo Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador James Swan ayaa waxay Kulan khaas ah ka yeesheen Arrimaha Somalia iyo sidii loo kordhin lahaa Iskaashigooda.

Kulankaasi oo shalay ka dhacay Xarunta Safaaradda Imaaraadka ku leeyihiin magaalladda Muqdisho, waxay Ergayga QM iyo Daniraha ka wada xaajoodeen sidii loo horumarin lahaa Iskaashiga Imaaraadka iyo Xafiiska QM ee Somalia iyo Farsamada Wadajirka ee labada dhinac ku taageerayaan Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

Ambassador Maxamed Axmed Cuthmaan Al-Xamadi iyo Ergayga QM ee Arrimaha Somalia, James Swan waxay kaloo ka wada hadleen waxa loogu yeeray qoddobo la xiriira Danaha Guud.

Danjire Al-xamaadi oo Kulankaasi ka hadlay  waxa uu ku dheeraaday Qaddarinta uu James u fidiyey iyo sida uu u doonayo in loo xoojiyo Xiriirka Safaaradda Imaaraadka iyo Xafiiska Urur-gobaleedka IGAD ee Somalia.

Ergayga QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador James Swan waxa uu ku bogaadiyey Imaaraadka dadaalkooda socda ee lag taageerayo dadaalka socda ee Nabadda iyo Deganaanshahja Somalia iyo Horumarinta Mashaariicda Samafalka ee ay ka fuliyaan guud ahaan Goballadda Somalia.