Taliyaha Ciidanka Asluubta Oo Gaaray Degmo Ka Tirsan Gobolka Gedo

0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa goor dhow gaaray degmada Doolow ee Gobolka Gedo, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Taliye Mahad Cabdiraxmaan iyo wafdigiisa oo ka ambabaxay Muqdisho ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Doolow kusoo dhaweeyay Taliyaha ciidamada howlgelinta Jubbaland Bakaal Kooke, Taliyaha Ciidanka NISA Gudoomiyaha degmada Cali Faarax Mire iyo mas’uliyiin Kale.

Ujeedka Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa waxaa lagu yahay inuu yahay mid la xiriira kormeer uu ku sameeyn doono Xarumaha Ciidamada Asluubta ee ku sugan yihiin ee degmooyinka Gedo, isagoona la kulmi doona Saraakiisha Ciidamada.

Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Doolow, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa waxaa kulan looga hadlayo xaaladda deegaanka uu la qaadan doonaa Maamulka degmada iyo Saraakiisha Ciidanka Booliska iyo kuwa Asluubta.