Natiijada Harsan Ee Doorashooyinkii Somaliland Oo Maanta Lagu Dhawaaqayo

0

Waxaa Maanta oo sabti ah lagu wadaa in Guddiga Komishinka Somaliland ay ku dhawaaqan natiijada degmooyinka harsan ee doorashada Aqalka Wakiillada iyo Goleyaasha deegaanka oo halkaas ka dhacday 31-kii May.

Guddiga Komishinka ayaa maalmihii lasoo dhaafay natiijooyinka doorashadii Golaha wakiillada ee  shan gobol oo ka mid ah lixda Gobol ay ka kooban tahay Somaliland si hordhac ah u shaacinayay, iyadona oo weli harsan yihiin degmooyin .

Doorashada golaha wakiillada iyo golayaasha deegaanka ayaa la qabtay toddobaadkii tagay markaas oo boqollaal kun oo qof ay codkooda dhiibteen, iyadoo boqollaal musharraxiin ahna ay kuraasta kala duwan ku tartamayeen.

Illaa iyo haatan natiijooyinka hordhaca ah ee golaha wakiillada ee la shaaciyay ayaanay xildhibaannada ku soo baxay ku jirin wax haween ah.

Goleyaasha deegaanka oo ka kooban 20 degmo doorasho, ayaa si horudhac loo shaaciyay 18 degmo oo ka mid ah, iyadoo labada harsan ay kala yihiin Hargeysa iyo Gebilley oo maanta la filaayo in lagu dhawaaqo.