Maxkamadeynta Rag Loo Heysto Soo Dhoofinta Agabyada Qaraxyada Oo Bilaabaneysa

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabeysa dhageysiga Dacwad ka dhan ah ah Rag loo haysto soo dhoofinta Agabyada laga farsameeyo Qaraxyada.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Maxkamadda Ciidamada ayaa waxaa lagu sheegay in xafiiska xeer Ilaalinta Maxkamadda uu dhinac ka yahay Garmaqalka Dacwad ka dhanKA ah ah Raggaas.

Maxkamadda Ciidamada ayaa sidoo kale sheegtay in hay’addaha amniga dowladda Federaalka ay ku guuleysteen inay ka hortegayaan 13 Container (Kuntaynar) oo ah Agabyada laga farsameeyo Qaraxyada oo laga soo dejin lahaa Dekadda Muqdisho.

“Maxkamadda Ciidamada ayaa dhageysanayso Dacwad ka dhan ah Rag loo haysto soo dhoofinta Agabyada laga farsameeyo Qaraxyada. Xafiiska Xeer Ilaalinta oo dhinac ka ah Garmaqalkan ayaa sheegay in Hay’adaha Amniga ku guulaysteen ka hor tagga 13 Container (Kuntaynar) oo laga dajin lahaa Dekadda Muqdisho” ayuu yiri Qoraalka kasoo baxay Maxkamadda.

Ma shaacin Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida waqtiga ay bilaabeyso dhageysiga Dacwada ka dhanka ah Ragga loo haysto soo dhoofinta Agabyada laga farsameeyo Qaraxyada oo laga soo dejin lahaa Dekadda Magaalada Muqdisho.