Masar oo Gaadiid iyo Khubaro dhismo u dirtay Magaalada Qasa

0

Tobaneeyo Gaadiidka waa weyn ee  Cagafcagafyada ayaa waxay  ka gudbeen Marinka Rafax, si ay gacan uga haystaan Dib-u-dhiska dhismooyinkii ku burburay dagaalkii Falastiiniyiinta iyo Israa’iil ku dhex maray magaalada Qasa.

Injineero iyo shaqaale dhismo oo ka socda Masar ayaa gaaray Qasa,  si ay u dejiyaan Naqshadaha dib udhiska ee dhismayaasha ay Diyaaradaha Dagaalka Israa’iil ay baabi’iyeen.

Kolonyo Gadiidka Dhismaha ah oo uu Calanka Masaarida ka dul babanayo ayaa ka gudbay Rafax, si ay u bilaabaan dib u dhiska magaalada Qasa iyo Guud ahaan Deegaanada Marinka Qasa ee uu sameeyay burburka baahsan oo ay u geysteen Ciidamada Israa’iil.

Shirkadda Dhismaha ee Milliteriga Masaarida ayaana la siiyey Qandaraadka dib udhiskaasi Qasa, iyadoo Madaxweyne CbdulFataax Al-sissi, uu 5-million oo Dollar ugu deeqaday Dib u dhiska magaalada Qasa.