Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Balan Qaad U Sameeyay Haweenka

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan la qaatay Haweenka Soomaaliyeed ee ku jira golayaasha kala duwan ee Dowlada iyo ururada u dhaqdhaqaaqa ka qeybgalka haweenka ee arimaha Siyaasada.

Guddoomiye Cumar Finish iyo Haweenka Soomaaliyeed ee ku jira golayaasha Dowladda ayaa ka wada hadlay qoondada Haweenka ee ku aadan doorashooyinka dhawaan ka dhacaya dalka.

Duqa Muqdisho ayaa u balan qaaday haweenka Soomaaliyeed inuu u halgami doono sidii ay xaqa ay leeyahiin uga heli lahayeen heerarka kala duwan, isla markana uu ka shaqaynayo sidii doorashooyinka dhacaya ay uga heli lahayeen qoondo ku filan.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa horey Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ugala hadlay sidii ay u heli lahaayeen qoondada doorashooyinka dhacaya, waxaana Madaxda ay balan qaadyo u sameeyeen Haweenka.