Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed Oo Sheegay In Uusan Xilka Wareejin Doonin

0

Abiy Axmed Cali ayaa la sheegay inuu hadalkaasi ku sheegay Cod Luqad Amxaariga oo laga soo duubay oo dhex wareegayo Baraha Bulshadda, wuxuuna tilmaamay inuu ka door-bidyo inuu dhinto, inta uu Xilka iska wareejin lahaa.

Waxa kale oo uu tilmaamay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed inaysan jirin qof awood u leh inuu soo dhiso Dowlad muddo 10-sano ah.

RW Ethiopia oo ay Mowjado Siyaasadeed ku faruuran yihiin waxaa uu u sheegay haddii kuwa loogu yeero Siyasiyiinta iyo Dhaqdhaqaaqayaasha ay Talada la wareegaan inaysan jiri doonin qof awoodi kara inuu Dowlad soo dhsio muddo 10-sano ah.

Warar ayaa waxay sheegayaan inuu RW Abiy Ahmed hadalkaasi ka jeediyey Kulan ay xubnaha ka tirsan Xisbigiisa lagu magacaabo Xisbiga Barwaaqada “Prosperity Party” yeesheen isbuucii hore.

Dhinaca kale, Xafiiska RW Ethiopia waxa uu soo saaray hadal lagu beeniyey Codkaasi, kuna tilmaamay inuu yahay mid macmal ah oo la dhoodhoobay oo qaab la jarjaray la isugu geeyey.

Abiy Ahmed oo Talada dalkaasi hayey tan iyo bishii April 2-dii ee sanadkii 2018-kii, waxaa haatan ku sii kordhaya Cadaadiska iyo Eedeynta ay dowladaha Reer Galbeedka iyo Ururadda Xuquuqda Aadanaha ku hayaan, kadib, Tacadiyada la sheegay inay Ciiddankiisa ka geysteen Hawlgalka Dagaal ee ay ka wadaan Gobalka Tigrayga ee Waqooyiga dalkaasi.