Midowga Musharaxiinta Oo Codsi U Diray Madaxda Maamul Goboleedyada

0

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa habeenkii xalay aheyd Munaasabad casho sharaf ah Magaalada Muqdisho ugu sameeyay Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Caasimadda.

Munaasabad oo ka dhacday Hotelka Jazeera ayaa aheyd mid Musharaxiinta ay Madaxweyneyaasha maamulada uga mahadcelinayeen doorkii ay ka qaateen xalinta khilaafkii taagnaa iyo heshiiskii laga gaaray doorashooyinka ee la saxiixay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif oo Munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in Madaxda maamulada door weyn ka qaateen in dalka laga badbaadiyo khalalaaso siyaasadeed iyo sidii loo qaban lahaa doorasho heshiis lagu wada yahay.

Waxaa uu sheegay in Madaxda ay sameeyeen dadaalo kala duwan oo lagu doonayay in xal buuxa looga gaaro xaaladdii taagneyd iyo khilaafkii jiray muddo ku dhow sanad, isla markaana lagu guuleystay, isagoona mahadcelin ballaaran u jeediyay Madaxda.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu Sheekh Shariif xusay inay muujiyeen dareen dowladnnimo, ayna kasoo gudbeen Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, wuxuuna u mahadceliyay cid kasta oo ka qeyb qaadatay heshiiskii la gaaray.

Midowga Musharaxiinta ayaa Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ka codsaday in la fuliyo heshiiskii laga gaaray doorashada dalka ka dhaceysa, isla markaana si wadajir ah looga wadashaqeeyo Arrimaha doorashada.

Ugu dambeyn Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa u mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, waxaana uu sheegay in Musharaxiinta ay weli garab taagan yihiin dadaalada uu wado, ayna la shaqeyn doonaan.