Dowladda Jabuuti ayaa ka hadashay heahiiskii khamiistii lagu gaaray magaalada Muqdisho kaas oo ay gaareen madaxda Soomaalida ee ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka.
Kulamadaas ayaana waxaa garwadeen ka ahaa Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble kaas oo ugu danbeyn sheegay in ay xukuumadiisu ka shaqeyn doonto doorasho hufan oo dalka ka dhacda.
War qooraal ah oo kasoo baxay Dowladda Jabuuti ayaa waxa lagu yiri “ Dowladda Jabuuti waxa ay soo dhaweyneysaa heshiiskii khamiistii 27 bisha May sanadkan 2021 Dowladda Fadraalka ah ee Soomaaliya, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Saamileyda Siyaasadeed ee dalka ay gaareen kaas oo dhigayay in si madax banaan oo daahfuran Doorasho looga qabto Soomaliya mudo 60 cisho gudahood ah.
Jabuuti waxa ay kuu dhiiri galineysaa dhamaan saamileyda siyaasadeed ee dalka iney si buuxda uga qeyb qaataan heshiiskaan lagu doonayo in looga gudbo xaalad kasta oo keeni karta xasilooni daro amni oo soo wajahda dalka.
Dowladda Jabuuti waxa ay taageereysaa howsha ka socota Dalka waxa ayna u rajeyneysaa Dowladda Soomaaliya xasilooni, Nabad, iyo hormarka buuxa.
Qoraalkan ka soobaxay Dowladda Jabuuti ayaa ugu danbeeyntii lagu yir: in badan ayay Dowlada jabuuti ka dalbaneysaa beesha caalamka inay si buuxda u wada taageeraan dadaalka ka Socda Soomaaliya, si ay xasiloonida dalka ay u cago dhigato.