XOG: Khilaaf sababay in ay istaagto shaqada hay’adda NISA oo ka dhex taagan Kulane iyo Ugaaska.

0

Ninka dad badan rumeysan yihiin inuu wajiyo iyo magacyo badan yahay, nabadsugiddana ugu xilsaarnaa Hogaanka dabagalka Siyaasiyiinta Cabdullahi Daahir Nuur oo ugaas Cabdalla iyo Maxamuud loo yaqaan ayaa diiday inuu la sii shaqeeyo hey’adda NISA ee sirdoonka Soomaaliya.

Ugaas Cabdalla oo Fil-ka Madow ee Farmaajo lagu naaneyso ayaa sababta uu uga horyimid inuu NISA la shaqeeyo waxay tahay sida ay saraakiil ka gaabsaday magacooda shaaciyeen, kadib markii ay is qabteen Cabdullahi Kulane oo NISA taliye ku xigeen ka ah.

Saraakiishan ayaa isku qabtay arimo sirdoon oo Ruushka iyo Maraykanka la xiriira, iyadoo uu dagaalkoodu saameeyay socoshada shaqadii hey’adda.

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Farmaajo oo ugaas Cabdalla ku shaqeysan jiray ayaa u yeeray si uu wax uga weydiiyo xaaladda taagan.

Xogta hoose waxay tusineysaa in Farmaajo ay heysato laba kala daran, taas oo ah ku xigeenka NISA oo ay qaraabo yihiin iyo Cabdullahi Dheere oo fil-kiisa madow ah, una fuliyay howgallo aad u halis ah.

Wali laguma guuleysan in xal loo helo dagaalka Kulane iyo Ugaas-ka ee NISA, waxaase Ugaas Cabdalla u dheer baqdin uu ka qabo hey’ado caalami ah kuwaas oo gacanta ku haya kiisas culus oo isaga lugta la galay.