Danjiraha dowladda UK u qaabilsan Kenya, Jane Marriott, ayaa magaalada Mandheera ku tagtay safarkeedii ugu horreeyay oo qeyb ka ah mashruuc ay UK gacan uga geysaneyso xasiloonida iyo horumarka gobolka Waqooyi Bari.
Socdaalka Marriott ayaa muujinaya sida ay Britain uga go’an tahay in laga shaqeeyo amniga iyo horumarinta deegaannada xadka la wadaaga Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay safaaradda.
Waxaa safarkan ku wehlinayay Wasiirka arrimaha dowlad daadajinta ee Kenya Eugene Wamala iyo madaxa ismaamulka Mandheera, Cali Roba.
Intii ay socotay booqashadan halka maalin ah waxay haweeneyda ah danjiraha UK u qaabilsan Kenya xarigga ka jartay mashruucii ugu horreeyay ee Mandheera laga hir galiyo oo ku aaddan qorshaha dhaqaalaha. Waa barnaamij ay iska kaashanayaan UK iyo Kenya oo fursado shaqo u sameynaya dhallinyarada u nugul in laga dhaadhiciyo fikirka xagjirnimada.
Qoraal ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay ayay Jane Marriott ku sheegtay in Mandheera ay tahay meel aad muhiim ugu ah Kenya oo loo sii maro Itoobiya iyo Soomaaliya.