Mareykanka ayaa xayiraado xooggan ku soo rogaya dalka Itoobiya taas oo la xiriirta colaaddii ka dhacday gobolka Tigray ee weli saameynteeda ay taagan tahay.
Xayiraaddan cusub waxay saameyneysaa dhanka dhaqaale iyo taageeradii dhanka amniga ee Mareykanka uu siin jiray Itoobiya.
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa shaaca ka qaaday in xayiraado dhanka dal ku galka ahna lagu soo rogay saraakiil ka soo jeedo Itoobiya iyo Eritrea kuwaas oo lagu eedeeyay inay tacaddiyo ka geysteen gobolka Tigray.
Mr Blinken wuxuu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in tallaabo caalami ah la qaado, si wax looga qabto dagaalka ka dhacay Tigray.