Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 41 guutada 5aad qeybta 27aad ayaa howlgalo ay ka sameeyeen degmada buulo-burte iyo deegaano hoos yimaada ku burburiyey fariisimo ay Al-shabaab ku lahaayeen halkaas.
Saraakiisha howlgalkan hogaamineysay oo socdaal dhanka lugta ah ku tagay deegaanka lagu magacaabo Afcad ayaa sheegay iney howlgalkaas ay ciidamada xoogga sameeyeen ku dileen lix dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab.
Howlgalkan ayaa yimid kadib markii dagaalamayaasha Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen degmada buulo-burte ciidamada xooggana ay ka war haleen sidoo kalena ay dadka deegaanka ka qaadayeen xoolo sida ay sheegeen saraakiisa howlgalka qeybta ka ahaa.
Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa inta badan waxa ay weerar toos ah iyo mid dhabo gal ah kusoo qaadaan ciidamada xoogga ee ka howlgala gobolada Shabeellaha hoose Sh/ dhexe.