Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

0

Ganacasade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Cumar Billeey ayaa dabley hubeysan maanta ku dileen xaafadda Bellville ee ka tirsan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Goobjoogayaal, ayaa sheegay in dablayda dilka gaysatay ay Marxuumka oo dhex socday bartamaha suuqa ka qaateen Boorso uu sitay, iyagoo si deg dega uga cararay goobta.

Dad Soomaali ah oo ku sugan magaalada Cape Town, ayaa sheegay in goobta uu dilka ka dhacay ay tageen Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika, kuwaas oo bilabay baaritan la xiriira dhacdada dilka.

Dalka Koofur Afrika ayaa kamid ah meelaha ugu badan ee lagu waxyeeleeyo dadka muhaajiriinta ee u shaqo tagey, iyadoo Soomaali badan lagu dilay dalkaasi.