Wasiirka Cusub Ee Shaqada Iyo Shaqaalaha Oo Soo Gaaray Muqdisho

0

Ra’iisul wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya , Xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Khaliif Ugaas Xuseen oo 4tii bishan May loo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray Muqdisho.

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda , Xildhibaanno , odayaal dhaqameed iyo saraakiil sare oo ka tirsan Dawladda ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Adan Cabdulle Cismaan ee caasimadda Muqdisho.

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Cabdi Axmed Qaasim oo soo dhaweeyay wasiirka cusub , ayaa sheegay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo adeegyo muhiim ah Dalka u heysa inay ka faa’iideysan doonto khibrada Wasiirka cusub.

“Wasaaradda iyo xarumaha Dawladda waa iska leh Dadka Soomaaliyeed , marxalado kala duwan ayaan ku soo shaqeeyay waxa aan hadda diiradda saari doono ayaa ah in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay dareemaan adeegga hay’addan si ay u fahman in iyaga loo shaqeynayo.” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Khaliif, wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Wasiirka cusub ayaa sidoo kale uga mahadceliyay magacaabiista Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka , Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka , Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Khaliif oo tobbankii sanno ee u dambeysay oo Baarlamaamka iyo hay’adaha kala ee Dawladda  xilal ka hayay ayaa horay u soo noqday Ra’iisul Wasaaare Ku-xigeen iyo Wasiirka Ganacsiga.