Telefishinka Al-Jazeera oo war ka soo saaray duqayntii loo gaystay xaruntoodii Gaza

0

Telefishinka Al Jazeera ayaa cambaareeyay gantaallo ay Israa’iil la beegsatay dhismaha Gaza oo xarun u ahaa warbaahinta Al Jazeera iyo wakaaladda wararka ee AP.

Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in tallaabadan ay tahay ficil cad oo looga hor istaagayo saxafiyiinta inay gutaan waajibaadkooda muqadaska ah ee ah inay caalamka u sheegaan kana warbixiyaan dhacdooyinka socda.

“Al Jazeera waxay balan qaadeysaa inay raacdo waddo kasta oo la heli karo si ay dowlada Israa’iil masuul uga noqoto ficilkeeda.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dadka deegaanka iyo kuwa degan dhismaha ayaa ciidamada Israa’iil waxay ku wargeliyeen taleefoon inay heystaan ​​wax ka yar hal saac oo ay kaga baxaan dhismaha.

Dr Mostefa Souag, oo ah kusimaha agaasimaha guud ee Warbaahinta Al Jazeera ayaa yiri, “Waxaan ka codsaneynaa beesha caalamka inay cambaareyso falalkaas waxashnimada ah ee lagu bartilmaameedsanayo saxafiyiinta, waxaana codsaneynaa tallaabo caalami ah oo deg deg ah oo lagula xisaabtamayo Israa’iil bartilmaameedka ula kaca ah ee ay la beegsaneyso saxafiyiinta iyo xarumaha warbaahinta.”