Muwaadin Soomaaliyeed Oo Xukun 146-Sanno Oo Xabsi Ah Lagu Riday

0

Muwaadin Soomaali oo magacaabiisa lagu soo gaabiyay Maxamed ayaa khamiistii lasoo dhaafay lasoo taagay Maxkamad ku taalla Magaalada Lasbos ee dalka Gariiga, kaasi oo lagu riday xukun adeg.

Maxkamadda ayaa Maxamed ku riday xukun ah 146-sanno oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeyay arrimo la xiriira muqalasnimo isaga iyo eedeeysanayaal kale, kuwaasi oo Maxkamadda kasoo muuqday todobaadkii hore.

Dacwad-oogeyaasha Maxkamadda Gariiga ayaa ku adkeystay in Muwaadinka Soomaaliyeed Maxamed uu mas’uul ka ahaa tahriibeyaal kasoo baxay Turkiga, isla markaana galay dalka Gariiga, in kastoo aan caddeymo lasoo bandhigin.

Sidoo kale Maxamed ayaa la tilmaamay in xiligii la qabanayay uu saarnaa doon ku gadoontay Lasbos, waxaana halkaas ku geeriyooday laba kamid ah dadkii doonta la socday, isagoona lagu eedeeyay inuu si sharci darro ah Gariiga u geliyay dad.

Golaha Midowga Yurub ee Qaxootiga iyo Tarxiilka oo Qoraal soo saaray ayaa shaaciyay in xukunka lagu riday Maxamed uu ahaa mid aan sharci aheyn, waxaana eeda loo jeediyay beeniyay muhaajiriin kale.

“Qaxootiga waxay sheegeen in Maxamed uu yahay qofka badbaadiyey markii ay qalibantay doontii saarnaayeen,” ayaa lagu yiri Warbixin ay soo saareen Golaha Midowga Yurub ee Qaxootiga iyo Tarxiilka.

Si kastaba Maxamed oo markii horey ka barakacay Soomaaliya ayaa tegay dalka Turkiga, isla markaan waxaa uu December sanadkii 2020 galay dalka Gariiga,  isagoona ah aabaha afar caruur.