Madaxweyne Maamul Goboleed Oo War Kasoo Saaray Xuska 15-Ka May

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ka hadlay Maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee xuska Munaasabadda sanadguurada 78-aad ee aasaaskii ururkii gobannimo doonka ahaa ee SYL.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa hambalyo u diray Dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan Dhalinta Hirshabeelle Munaasabadda 15-ka May oo ku beegan Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sanad guurada 78-aad ee aasaaskii Ururkii Gobanimo doonka SYL oo maanta loo dabaal degayo.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay in Dhallinyaradu udub dhexaad u ahaayeen xoreynta Dalka iyo Tiirka  Dowladnimadeena, waxa uuna kula dardaarmay inay gacmaha is qabsadaan oo ay u istaagaan Horumarka iyo nabada dalka si uu u hagaago Mustaqbalkooda iyo midka jiilka soo socda maadaama ay bulshada maanta ka yihiin 75%.