Erdogan Iyo Valadamir Putin Oo Ka Wada Hadlay Colaadda Falastiin Iyo Israa’iil

0

Mdaxtooyada Turkiga ayaa waxaa ay goor sheegtay inuu Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan uu Khadka Telefoonka kula xiriiray dhigiisa dalka Raashiya, Valadamir Putin.

Labada Madaxweyne ayaa waxaa ay ka wada xaajoodeen Duqeymaha ay Israel ku hayaan Dadka Reer Falastiin iyo Colaadda cusub ee ka dhex qaraxday labada dhinac.

Madaxweynaha Turkiga waxaa uu horey u cambaareeyey Falalka ay Askarta Israel ka wadaan Masjidka Al-Aqsa iyo magaalladda Qasa.

Diyaaradaha Dagaalka ee Israel waxay maalintii 3-aad oo xiriir ah duqeyn ku hayaan magaalladda Qasa, iyadoo weerarkii u dambeeyey ku burburiyey Xarumaha Dhexe ee Boliska Qasa.

Xalay ayey ahayd, markii ay Dagaalamayaasha Kataa’ib Cisadiin Qasaam ee Ururka XAMAAS ay 130 Gantaal ku asqeysiiyeen caasimadda Israel ee Tel Aviv.