Ciidamada xoogga dalka oo hawlgallo ka fuliyay gobolka Hiiraan

0

Ciidanka DFS Guutada 5aad ee Hiiraan ayaa howlgallo maleeshiyada Al-shabaab looga saarayo deegaanada waqooyi ee gobolka Hiiraan ka wada.

Taliyaha Guutada Maxamuud Xasan Ibrahim oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in deeganada ay howlgalada ka socdaan ay ka tirsan yihiin degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Inta uu Howlgalka socday Ciidanka ayaa tagay degaano ay ka carareen Al-Shabaab markii ay maqleen dhaq dhaqaaqa Ciidanka xoogga dalka ee kusoo wajahan,deegaanada ay ciidanka tageen ayaa waxaa ka mid ah Coomaad iyo Madhooy ee hoostago Degmada Matabaan iyo degeenno kale,sidoo kale ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo ka sameeyay dhulka buuraha ah ee u dhaxeeya Beledweyne ilaa Matabaan.

Howlgalada ciidanka gobolka Hiiraan ayaa imaanayso iyadoo mudooyinkan danbe ay Al- Shabaab ku howlanayeen in ay galaangal ku yeeshaan inta u dhaxayso Hiiraan iyo Galgaduud.