Madaxweynaha K/Galbeed Oo La Kulmay Wakiilo Ka Tirsan Beesha Caalamka

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta Aqalka Madaxtooyadda KGS ku qaabilay Wafidi ay hogaamineysey kuxigeenka Koowaad ee wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen iyo kuxigeenka Koowaad ee wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta wadashaqeynta Koonfur Galbeed iyo QM.

Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday Shirka Wadashiga Qaran ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada ee 20-ka bishaan ka dhacaya Muqdisho.

Kulankaan ka dhacay Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wakiilada midowga yurub, midowga Afrika iyo Diblumaasiyiin kale.