QM oo war ka soo saartay khasaarihi ka dhashay roobkii ka da’ay Somalia

0

Ugu yaraan 25 Qof ayaa ku geeriyootay 7dii maalmood ee lasoo dhaafay roobabkii gu’a ee ka curtay Soomaaliya sida ay sheegtay Hay’adda QM u qaabilsan arrimaha Bini’adamnimada ee OCHA.

OCHA Waxa ay sheegtay in dadka dhintay 14kamid ah ay caruur yihiin 7da kale oo iyagu kamid ah dadka ku nool xeryaha Barakacayaasha.

OCHA ayaa shaaca ka qaaday in daadadkii roobka ka dhashay ay saameeyen Qoysas gaaraya 25,000 oo kunoolaa 15 xaafadood oo Jowhar ka tirsan G.Shabeelada dhexe.

OCHA ayaa ka digtay in bartamaha Bisha May la filaayo roobab waa weyn taa oo sii murjin karta xaalada dadka beeralayda ah iyo kuwa degan wabiyada dhinacoodi.

Sabtidii lasoo dhaafay Hay’adda FAO ayaa ka digtay fatahaado horleh inay sameey karaan Wabiyada Shabeelle iyo Jubba.