Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Cafis U Fidiyey Maxaabiis

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa Cafis u fidiyey Maxabiis xukuno kala duwan ugu Jiray Xabsiga Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa lagu sheegay in laga bilaabo Maanta  Cafis loo fidiyay 10 Maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Baydhabo.

Sidoo kale Wareegtada ayaa waxaa Xeer Ilaaliyaha Gobolka Baay la faray inuu xabsiga kasii daayo 11 Maxbuus oo uu Cafis u fidiyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Cafiska Maxaabiista ayaa waxaa la sheegay inuu ku timid talo soo jeedinta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed Axmed Cali Muuse, iyadoona la tixgeliyay Daryeelka iyo badqabka Caafimaad ee Maxaabiista ku xiraan Baydhabo.