JFS Oo Dalbatay In La Bedelo Ergeyga Midowga Afrika Ee Somalia

0

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay Midowga Afrika ka dalbatay in la bedelo Ergeyga gaarka ee dhawaan u soo magacaabeen Soomaaliya John Mahama oo ahaa Madaxweynihii hore ee dalka Ghana.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay ku tilmaamtay John Mahama in uusan dhex dhexaad ka noqon karin Arrimaha doorashada dalka ka dhaceysa, isla markaana ay u baahan yihiin la bedelo.

Sidoo kale dowladda Federaalka ayaa sheegtay in Midowga Afrika uusan kala tashan soo magacaabista Madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama, iyadoona aan loo marin nidaamka dhinaca diblumaasiyada.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Ergeyga gaarka ee dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya uu goobo Ganacsi ku leeyahay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, uuna dhex dhexaad ka noqon karin arrimaha dalka.