Booliska soomaaliya oo faahfaahiyay khasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay Saldhiga Waabari

0

Taliska booliska Soomaaliya ayaa Faah faahin ka bixiyay qarax khasaaro badan gaystay oo xalay ka dhacay Saldhigga Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Duudishe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qof isku soo xiray jaakad walxaha qarxaha uu isku qarxiyay Saldhiga degmada Waaberi ee  Gobolka Banaadir, isagoona weerarka ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen Al-shabaab.

Sidoo kale Afhayeenka Booliska Soomaaliya ayaa xaqiijiyay dhimashada 6 qof oo laba kamid ah ay ahaayeen Saraakiil Sare sare oo katirsan Booliska Soomaaliya, halka 4-takalana ay ahaayeen dad shacab ah oo wadada marayay.

Dadka ku dhintay Qaraxa waxaa ka mid ah Taliyihii Saldhiga Degmada Waaberi  Axmed baashane oo ku Magac dheeraa Colaalay, kaasi oo horay taliye  uga soo noqday  Saldhigyada Degmooyinka Cabdi Casiis iyo Shibis ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa ku dhintay weerarkaasi Allaha u naxariisto Gaashaanle Dhexe Cabdibaasid Maxamud Cageey oo ka mid ahaa saraakiishii ku dhaawacmay Qaraxa, waxaana uu u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray qaraxaasi.

Gaashaanle Cabdibaasid ayaa ahaa ku-xigeenka Taliyaha Qeybta Waliyoow Cadde ee Booliska Gobalka Banaadir.