Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta dib u billowday dhageysiga dacwadda kiiska dilkii loo geystay guddoomiyihii hore ee degmada Hodan Cabdixakiin Dhegajuun.
24-kii bishii hore ee Abriil ayey maxkamadu bilaawday dhageysiga dacwadda kiiskan, waxayna maanta noqoneysaa markii labaad oo ay u fariisatay kiiskaan.
Fadhiga ay ka socotay maxkamadeyntan waxaa goobjoog ahaa saraakiil ka tirsan maxkamadda, ehellada labada dhinac ee dacwadda, dadweyne kale iyo rag loo heysto dilka Cabdixakiin Dhegajuun oo isugu jira saraakiil iyo askar ka tirsan booliiska Soomaaliya.
Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, Cabdullaahi Buulo Kameey ayaa maxkamadda horkeenay cadeymo la xiriira sida uu u dhacay dilka guddoomiyihii hore ee degmada Hodan oo goor habeen ah ay degmada Howlwadaag ku dileen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya.
Maxkamadda ayaa lagu wadaa inay go’aan kasoo saarto kiiskan oo horay guddi gaar ah loogu xil-saaray, kaas oo baaritaan ku soo sameeyey qaabkii uu u dhacay dilkii guddoomiyaha, iyadoo natiijadii baaritaankaas horay loogu wareejiyey Maxkamadda.