Mahdi Guuleed: Dawadda badda waa ka madax-banaan tahay dib u soo celinta xiriirka Kenya

0

Ra’isul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in arrinta badda ay ka madax-bannaan tahay soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii ay dhawaan soo baxeen warar sheegaya in Soomaaliya ay dib ula soo noqoneyso kiiskeeda hor yaalla Maxkamadda ICJ.

“Muranka badda waxaa soo gaba-gabeeynaya Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, kadib dhageysigii soo dhammaaday 15 illaa 18-kii Maarso ee sanadkan, waxaana sugeynaa xukun caddaalad ah” ayuu Mahdi Guuled ku soo qoray bartiisa Twitterka.

Qoraalka Mahdi Guuleed waxuu intaas ku sii daray, “Arrinta badda gooni ayay ka tahay xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada wadan.”

Mahdi Guuleed ayaa sidoo ah u qeybsanaha dowladda Soomaaliya ee arrinta dacawadda badda, isagoo hoggaaminayay wafdigii Soomaaliya ee ka qeyb-galay dhageysiga dacwadaas labadii jeer ee ugu dambeysay.

Kenya ayaa dhowr jeer oo hore dalbatay in wadahadal uu hormuud ka yahay Midowga Afrika lagu xaliyo muranka badda, balse Soomaaliya ayaa sheegtay in kaliya ay ku kalsoontahay go’aanka maxkamadda ICJ, isla markaana ay Soomaaliya dooneyso in loo sameeyo xad rasmi ah oo u dhaxeeya labada dal.