Lafta gareen oo dib ugu laabtay Baydhabo, kadib kulan uu la qaatay Wafdi ka socda Qatar

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdi  Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo waxaa kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan labada Hole ee Maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa inta uu ku sugnaa magaalada Muqdisho waxaa uu kulan la yeeshay ergayga gaarka ah ee Wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada Mudane Multaq Alqahtani.

waxaa ayna ka wadahadleen muranka ka taagan qabsoomada doorashooyinka Soomaaliya iyo sidii arrintaasi looga gudbi lahaa