Biden oo shaaciyay in sanad kasto uu Mareykanka qaabilayo qaxooti badan

0

Madaxweyne Joe Biden ayaa qaaday xaddiidaadda tirada qoxootiga uu sanadki dalkiisa qaabilayo uu horay u soo rogay Maamulkii Trump kaddib marki xisbigiisa uu ka dalbaday inuu ka dhabeeyo ballanqaadkiisa.

Madaxweynaha Xisbiga Jamhuuriga tirada la oggol yahay wuxuu ka dhigayaa 15,000-62,500, iyada oo ay weliba dhaliilayaan dadka iyo hay’adaha u doodo xuquuqda qaxootiga.

Mr Biden wuxuu sheegay tiradaasi yar “iney ka tarjumeyn qiyamka Mareykanka”.

Warbixinno bishii hore la soo saaray waxaa lagu sheegay iney walaac ka qabaan in dad badan oo qaxooti ah dalka lagu soo fasaxo iyada oo ay jirto tira aad u sii kordheyso oo dadka soo galootiga ah ay ku sugan yihiin xadka ay wadaagaan Mareykanka iyo Mexico.

Tirada cusub ee ah 62,500 “waxay meesha ka saareysaa tirada aadka u hooseysay” uu horay u dajiyey madaxweynihi hore ee Donald Trump, ayuu yiri Mr Biden.

Wuxuu sida oo kale sheegay inuu maamulkiisa uu damacsan yahay inuu tirada qaxootiga sanadka soo socda la aqbalayo uu ka dhigo 125,000.

Balse wuxuu qiray Mareykanka uu dhab ahaan uu sanadkan ku guuleysn doonin inuu aqbalo 62,500 oo qoxooti ah, isaga oo ku doodaya in maamulkiisa ay ahayd inuu ‘saameynta’ maamulki isaga ka horreeyey uu ka jaro.

Maamulka Trump ayaa siyaabo kala duwan u wajahay dhibaatooyinka xuduudaha ee maamulka trump, iyada oo xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Jen Psaki ay ku tilmaamtay nidaamka socdaalka uu ka tagay maamulka Trump uu yahay “Mid la baab’iyey” oo aan “Shaqeyn”.

Mr Trump ayaa tirada dadka qaxootiga uu dalkiisu qaabilayey aad u yareeyey isaga oo tiradi uu Madaxweynihii isaga ka horreeyey ee Barack Obama uu dajiyey ee ahaa 110,000 uu ka dhigay 15,000 oo keli ah.

Arrimahaasi “Kama tarjumayaan qiyamka Mareykanka dal ahaan oo ah inuu soo dhaweeyo isla-markaana uu caawiyo qaxootiga”, ayuu Madaxweyne Biden uu ku yiri bayaanka uu Isniinti soo saaray.