Midowga Yurub Oo War Kasoo Saaray Ciidanka Milateriga Ee Ku Sugan Muqdisho

0

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nocolas Berlanga ayaa ku baaqay in ciidamada militariga laga saaro magaalada Muqdisho, oo ay ku wada sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa kasoo horjeeda.

Safiirka ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa twitter-ka ku sheegay in magaalada Muqdisho oo lagu kala qeybiyo maleeshiyo ama ciidamo amni oo ka baxsan qadka taliska aysan caawineyn shacabka Soomaaliyeed.

Berlanga ayaa ku baaqay in cid kasta oo dooneysa in kaalin togan ka qaadato doorashooyinka dalka ay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku taageerto shaqooyinkiisa muhiimka ah.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Axaddii 25-ka April soo galay ciidamo ka tirsan militariga oo sheegay inay diidan yihiin muddo kordhintii uu sameeyey Golaha Shacabka, kuwaas oo kadib ay dagaalameen ciidanka kale ee dowladda.

Inkasta oo Golaha Shacabka uu ka laabtay muddo kordhinta, islamarkaana ra’iisul wasaare Rooble uu ku baaqay in cidianka ay ka baxaan caasimadda kuna noqdaan xeryahooda, haddana weli ciidamada labada dhinac ayaa ku wada sugan gudaha Muqdisho.

Rooble ayaa weli wada dadaallo iyo kulamo la xiriira sidii uu ugu guuleysan lahaa in ciidanka ay ka baxaan caasimadda.