Jubaland oo shaacisay inay diyaar u tahay ka qeyb galka shirka uu iclaamiyey R/W Rooble

0

Dowlad goboleedka Jubaland ayaa maanta shaaciyey inay ka qeyb-gelayaan shirka uu iclaamiyay ra’iisul wasaaraha dowladda xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa 20-ka bishan May iclaamiyey shir madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ay heshiis uga gaarayaan khilaafka doorashada.

Madaxwayna ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Adan oo la hadlay BBC ayaa sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay ka qeyb galka shirka uu 20-ka bishan iclaamiyey ra’iisul wasaaruhu, isla markaana ay tegi doonaan Muqdisho.

Sidoo kale Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku baaqay in la isku tanaasulo, isla markaana danta guud ee shacabka Soomaaliyeed la eego, sidoo kalena raii’sal wasaaraha looga baahan yahay inuu xal u helo arrimihii lagu muransanaa.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday ciidamada ay dowladda dhexe horay ugu daabushay gobolka Gedo oo ka tirsan Jubbaland, isagoo sheegay in arrintaas xalkeeda looga fadhiyo ra’iisul wasaare Rooble.