Ergeyga Qatar Oo Kulan La Qaatay Saddex Madaxweyne Maamul Goboleed

0

Madaxweyneyaashada dowlad goboleedyadda Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur galbeed ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay ergayga gaarka ah ee Wasaaradda arrimaha dibada dalka Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaalanka argagixisada Mudane Mutlaq Alqahtani.

Kulamadda Mutlaq Alqahtani iyo Mdaxweyneyaasha dowlad goboleedyadda ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka iyo la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisadda.

Madaxweyneyaasha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa si gooni gooni ah kulamo ula yeeshay Mutlaq Alqahtani, kulamadaan ayaa dhammaantood looga hadlay xaaladda Cakiran ee dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka.

Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa kulamada uu la qaatay dhinacyda kala duwan ayaa waxaa uu ugu xaqiijiyay sida Qatar uga go’an tahay taageerida doorasho nabdoon oo wadar ogol ah inay ka dhacdo Soomaaliya, isagoo farriinta uu ka waday dowladdiisa ahaa inay Qatar dhex dhexaad u tahay.