Xildhibaan Ka Tirsanaa J/Land Oo Geeriyooday Iyo Axmed Madoobe Oo Ka Hadlay

0

Xildhibaan horey oo ka tirsanaa Baarlamaankii koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa habeenkii xalay aheyd ku geeridooday Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas.

Xildhibaanka dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maxamed  Cabdi Kilaas, waxaana warar la helayo ay sheegayaan in Marxuumka uu maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka hadlay geerida ku timid Xildhibaan hore Maxamed Kilaas, oo kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaankii 1-aad ee Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo Bulshada Maamulkiisa uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistii Xildhibaanka.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah tacsi ugu diray ehelkii, qaraabadii, iyo Saxiibadii Marxuumku uu ka baxay isagoo Allah “SWC” uga baryay inuu janadii fardowso ka waraabiyo.