Wafdiga Dowladda Qatar oo Qorshe qarsoon ka wada Soomaaliya & Xogta Shaqsiga la wada.

0

Soomaaliya waxaa soo gaarey wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo wakiil sare oo katirsan wasaaradda arimaha dibada dowladda Qadar.

Dr. Mutlaq AlQahdhani waa khabiir sare oo ku takhasusey Xalinta khilaafaadka, Dhex dhaxaadinta iyo ladagaalanka Argagixisada wuxuuna gar wadeen ka ahaa wadahadaladii u dhaxeeyey Mareykanka iyo Ururka Taalibaan iyo waliba dowladda Afganistan.

Safarka masuulkan ayaa kusoo aadaya xili Soomaaliya wajaheyso qalalaase siyaasadeed iyo amni daro kadhashey khilaafka doorashada. ilo xog hogaal ah ayaa xaqiininaya in safarka masuulkan uu daaran yahay labo ujeedo oo midda hore tahay, in dowladda Qadar ay muujiso in ay dhexdhaxaad ka tahay siyaasadda Soomaaliya ayadoo mudooyinkii danbe lagu eedeynaayey in ay taageero indho la’aan ah siiso madaxda waqtigoodu dhamaadey ee Soomaaliya.

Ujeedka labaad ayaa lasheegey in uu yahay ujeedka ugu muhiimsan isla markaana gadaal kariixayaan sirdoono caalami ah, xogo hoose ayaa muujinaya ujeedka ugu weyn ee masuulkan in uu yahay in wadahadal lala furo kooxda Alshabaab, ilo muhiim ah oo dhanka sirdoonka ayaana xogtan bixiyay.

CIA-da mareyanka Qeybteeda geeska africa ayaa lasheegey in ay gadaal kariixeyso safarka mas’uulkan iyo qorshaha socda. uqaabilsanaha Soomaaliya ee CIA-da korneel Cabdullahi Dheere kana tirsan saraakiisha sare ee NISA, ayaa lasheegey in uu casuumaadda wafdigan lahaa, isagoona gacanta ku hayo howlaha wafdigan.

Xogtu way sheegaysaa in sarkaalkan todobaad kahor lawareegey goobihii ay degi lahaayeen wafdigan oo shaley soo gaarey magaalada muqdisho.

Wafdigan Qatar ka socda oo wararki tilmaamayaan in laba goobood la kala dajiyay, ayaa qeyb lasheegey in ay kulamo siyaasadeed la qaadanayaan madaxda siyaasadda isla markaana saxaafada loo fasaxayo in ay soo bandhigaan shaqo maalmeedkooda.

Qeybta kale ee wafdiga ayaa lasheegey in ay kulamo hoose layeelanayaan wakiilo kasocoda kooxda Al-shabaab kulamadaas oo ka dhici doona gudaha magaalada muqdisho iyo duleedkeeda.

shaqada wafdigan danbe ayaa gebi ahaanba lala socon ajandaha rasmiga ah ee kala hadlayaan Al-shabaab marka laga reebo in wada hadal ay lagalayaan kooxdaasi. ilo amni ayaa noo sheegey in ilaa hada lafaham sanyahay in uu dhacey labo kulan oo xasaasi ah ayadoo ay adagtahay in la ogaado saraakiisha shirka ka qeyb galeysey iyo heerarkooda.

Teliyaha Dabagalka NISA ahna uqaabilsanaha CIA-d mareykanka Cabdullahi Dheere ayaa lasheegey in uu si weyn ugu dhexmuuqanayo kulamadan qarsoon waxaana sarkaalkan horey loogu eedeyn jirey in uu gacansaar hoose la leeyahay kooxda Alshabaab.

Xubno ku dhow dhow wafdigan ayaa laga soo xigtey in afarkooda uu qaadan doono muddo labo maal mood ah, waxaana lafilayaa sacaadaha soo socoda wafdiga garabkiisa siyaasadda in uu kulamo la qaato madaxda mucaaradka Soomaaliya iyo madaxda DFS. Howlaha sirdoon ee Muqdisho ka socda ayaa waqtigi qeexi doonaa natiijada ka dhalata, xilli aysan ku baraarugsaneyn inta badan siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliya…….