Mareykanka Oo Gaadiid Dagaal Ku Wareejiyay Dowladda Soomaaliya

0

Taliska Howlgalka Ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya AFRICOM ayaa dowladda Federaalka gaar ahaan Taliska Ciidamada sida gaarka u tababaran ee DANAB ku wareejiyay gaadiid nooca dagaalka.

Qoraal kooban oo lagu daabacay Bogga Telefashinka Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in gaadiidkaan oo gaaraya dhowr gaari ay ku howlgeli doonaan Ciidanka kumaandoosta xoogga Dalka Soomaaliyeed ee DANAB.

Sidoo kale gaadiidka Taliska Mareykanka ee Soomaaliya AFRICOM uu ku wareejiyay dowladda ayaa la tilmaamay inay Ciidamada u adeegsan doonaan howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda dalka.

Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah dowladdaha Soomaaliya ka taageera dhinaca tababarada Ciidanka, waxaana Mareykanka uu gudaha dalka ka fuliyay duqeymo diyaaradeed, iyagoona Ciidanka dowladda la fuliya howlgalo badan oo qaarkood lagu dilay xubno ka tirsasn Al-shabaab.