Maamulka magaalada Beledweyne oo baaq u diray ganacsatada iyo hey’adaha samafalka

0

uddoomiye ku xigeenka arimaha bulshada ee magaalada Beledweyne ayaa hey’adaha, ganacsatada iyo dhamaan deeq bixiyayaasha ugu baaqay in ay caawiyaan qoyasaska barakacayaasha ah iyo kuwa danyarta ah ee ku nool magaalada Beledweyne.

Baaqa guddoomiyaha ayaa kusoo aadaya, iyadoo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan iyo deegaano hoos taga ay maalmihii lasoo dhaafay ka da’ayeen roobab xoogan.

Qaar kamid ah dadka ku nool magaalada Beledweyne iyo magaalooyinka kale ee ku teedsan wabiga Shabeelle ayaa inta badan waxaa soo wajaha xilli roobaad kasta barakac iyo xaalado nololeed oo adag, iyadoo inta badan uu fatahaad xoog leh u geysto wabiga Shabeelle.