Koox hubeysan oo gudaha dalka Itoobiya ku dishay dad rayid ah

0

Ugu yaraan 15 qof oo rayid ah ayaa la dilay ka dib markii rag hubeysan ay weerar ku qaadeen gaari Bas ah oo ay saarnaayeen gobolka Oromiya ee dalka Itoobiya.

Gaariga siday dadkani la laayay ayaa waxaa uu ka soo baxay magaalo yar oo lagu magacaabo Bure, oo ka tirsan gobolka Amxaaradda.

Raggan hubeysan ayaa waxay gaarigan ku joojiyeen degmada Amero ka dib-na waxay ku fureen rasaas, sida ay sheegeen booliiska deegaankaasi.

Booliiska ayaa waxay weerarkan ku eedeeyeen kooxda mucaaradka ee, Oromo Liberation Army (OLA).

Ma jiro wax war ah oo ilaa iyo imika ka soo baxay jabhadda OLA, balse kooxdan ayaa horey u diiday eedeyma loo soo jeediyay oo aha in ay dad rayid ah dileen.

Kooxdan OLA ayaa ah garab hubeysan oo horey uga go’ay jabhadada Oramada ee (OLF), oo imika ah mid ka mid ah xisbiyada mucaaradka ee ugu wayn gobolka Oramiya.