Jubbaland oo ku gacan seyrtay balanqaadkii uu Farmaajo ka hor jeediyey golaha shacabka

0

Maamulka goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aadan hadalkii uu baarlamanka ka horjeediyay Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in arrimaha doorashooyinka iyo amniga uu ku wareejinayo Ra’isul Wasaaraha xukuumadda xil-gaasiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed  ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan weli wareejin mas’uuliyadii amiga, isagoo balan qaadkiisii shalay ku tilmaamay marin habaabin.

Waxa uu sheegay in madaxweynaha looga fadhiyo in amniga guud ee dalka uu ku wareejiyo ra’iisul wasaaraha, maadaama meel kasta dalka ay ciidamo isku hor fadhiyaan, sida uu sheegay wasiir Cabdi Xuseen.

Magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, Beledweyne, iyo gobolka Gedo ayuu tusaale u soo qaatay, in ciidamo ka wada tirsan dowladda ay isku hor fadhiyaan, isla markaana Rooble uusan weli awood u laheyn inuu kala qaado.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland waxa uu cadeeyey in aysan ka soo qeyb geli doonin shir ka dhaca Muqdisho inta Farmaajo uu ka wareejinayo mas’uuliyadda amniga Qaranka, isla markaana la kala qaadayo ciidamada isku hor fadhiya gudaha caasimadda Muqdisho.