Ergeyga Ka Socda Qatar Oo Maanta Kulamo La Yeelanaya DFS Iyo Mucaaradka

0

Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan dhex dhexaadinta xalinta khilaafaadka Dr. Mutlaq Al-Qahtani oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa Maanta kulamo la yeelanaya xubno ka tirsan dowladda iyo Musharaxiinta.

Dr Al-Qahtani ayaa kulanka ugu horreeya la qaadan doona Midowga Musharaxiinta oo ka dhici doona Hotelka Decale, iyagoona ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashooyinka.

Sidoo kale Ergeyga ka socda dowladda Qatar ayaa kulamo kale la yeelanaya Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug, isla markaana ka arrinsanaya xaaladda Cakiran ee taagan.

Dr. Mutlaq Al-Qahtani Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan dhex dhexaadinta xalinta khilaafaadka ayaa shalay soo gaaray Caasimadda dalka, isagoona kulan la qaatay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta Balal Maxamed Cismaan,.

Kulanka ayaa intii lagu gudo-jiray looga hadlay siyaabaha lagu taageeri karo Xukuumadda Federaalka si ay u gudato waajibkeeda qaran ee u saldhiggidda nabadda iyo deganaanshaha guud ahaan Soomaaliya iyo u gogol xaaridda doorashooyinka madaxtinimo iyo midka Baarlamaaniga.