DAAWO:-Golaha Shacabka oo laalay mudo kororsigii iyo Farmaajo oo amniga iyo doorashada ku wareejinaya Rooble

0

Madaxweynaha  dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maanta hor tegay xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka, waxuuna ka codsaday inay ogolaadaan in dib loogu laabto hir-gelinta heshiiskii doorashada ee 17-kii September, kadib markii uu socon waayey mudo kororsigii dhacay 12-kii bishii dhamaatay ee Abriil.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo waxa uu xildhibaanada maanta ka hor cadeeyey in mas’uuliyadda amniga iyo arrimaha doorashada uu ku wareejinayo xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoo ka dalbaday xukuumadda inay u diyaar garowdo howshaas adag.

Intaas kadib xildhibaanada ayaa cod u qaaday codsiga uga yimid madaxweynaha, waxaana ogolaatay 140 xildhibaan oo ah dhamaan xubnihii maanta soo xaadiray kulanka, xildhibaan diiday ama ka aamusay-na ma jirin.

Codeynta kadib Madaxweyne Farmaajo oo mar kale ku soo laabtay kulanka ayaa xildhibaanada uga mahadceliyey, sida ay uga ogolaadeen codsigiisii ahaa in dib loogu qondo heshiiskii 17-kii Septembar, kaas oo hir-gelintiisa uu maanta cadeeyey Farmaajo inuu u xil-saarayo xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal oo soo xiray kulankii maanta ee xildhibaanada golaha shacabka ayaa sheegay in kalfadhigaan uusan xirmi doonin waqtiga oo cariiri ah dartiisa, balse xildhibaanadu ay qaataan bil fasax ah oo berri ka bilaabaneysa, isla markaana ay isku soo laabtaan ciida kadib.