Pakistan oo u yeertay Safiirkeedi dalka Saudi Arabia

0

Dowladda Pakistan ayaa u yeeertay Ambasaddor Rajaa Cali Icjaaz oo ah safiirka Pakistan ee dalka Sacuudiga si wax looga weydiiyo muwadiniinta Pakistan ee kusugan Sacuudiga oo ka ashtikooday Shaqaalaha Safaarada.

Wasaaradda Arrimaha dibada Pakistan ayaa sheegtay in 6 Diplomaasi sidoo kale ay tagi doonaan Pakistaan kuwaasi oo iyagana wax laga weydiin doono sida foosha xun ee loola dhaqmay Shaqaale kasoo jeeda Pakistan oo iyagu ka xamaasha Sacuudiga.

Waxaa jira Guddi heer sare ah oo loo xilsaaray in qadiyadaan ay si weyn u baaraan.