Kenya oo dib dhigtay go’aanka ay ku xerayso xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma

0

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay dib u dhigtey xiritaanka xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma illaa dhamaadka bisha Juun ee sanadka 2022-ka.

Talaabadan  cusub ayay dowlada Kenya u gudbisay Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay u qaabilsan marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano UNHCR.

Arrintaas waxaa shaaca ka qaaday wasiirka amniga gudaha ee Kenya, Fred Matiangí, kaddib markii uu shalay gelinkii dambe kulan magaalada Nairobi kula yeeshay madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, Flippo Grandi.

Wasiirka amniga gudaha ee Kenya Fred Matiangí wuxuu kaloo sheegay in mas’uuliyiin ka kala socda dowladda Kenya iyo hay’adda Qramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ay isla garteen in hannaanka xeryahaas lagu xirayo la bilaabo 5-ta bisha May ee 2022-ka.

Hannaankan ugu dambeeyay waxaa ka mid ah inaan cidna qasab lagu rarin oo qaxootiga ay iskood dalkooda ugu laabtaan ama la siiyo shati ay uga shaqaysan karaan ama ku degi karaan dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika.

Dowladda Kenya ayaa bishii Maarso waxa ay Qaramada Midoobay in muddo laba todobaad ah ay kula timaado hannaankii lagu xiri lahaa xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma oo ay ku jiraan in ka badan 400,000 oo qof.

Kenya ayaa waxa ay qaxootigaas martigelinaysay muddo 30 sanadood ah, dowladduna waxa ay haatan sheegaysaa in aanay awood u lahayn inay dadkaas sii hayso maadaama dhaqaale ahaan lagu jiro xilli adag.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR waxay sheegtay in go’aankan uu saameyn ku yeelan doono dadka qaxootiga ah ee ku nool Kenya xilli uu dunida saameeyay safmarka Karoona.

Hay’adda UNHCR waxay hore u sheegtay iney sii wadi doonto wadahadallada ay arrintan kala yeelaneyso mas’uuliyiinta Kenya.

Maxkmada  sare ee dalka Kenya ayaa dhawaan  amartay in la laalo amarka dowlada ee ah in la xiro xeryaha.

23-kii Maarso, Kenya waxay u sheegtay UNHCR inay ku dhawaaqdo qorshe ku saabsan xiritaanka xerada qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma laba toddobaad gudahood.