In Ka Badan 15 Ruux Oo Ku Dhintay Dagaal Ka Dhacay Xuduudka Goballada Tigray Iyo Amxaarada

0

Saraakiisha dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal uu ka dhacay xuduudka u dhaxeysa Goballada waqooyiga Itoobiya ee Tigray iyo kan Amxaarada.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalladaas ay ku dhinteen ku dhawaad 15 qof, wuxuuna ka dhacay aagga loo yaqaanno Wag-Hemra oo labada maamul ee Tigray iyo Amxaara ay kala sheegtaan. Dagaalkaan ayaa imaanaya iyadoo ugu badnaan lix bilood hadda laga jooga dagaalkii gobalka Tigray.

In kastoo bil gudaheed xukunka looga tuuray maamulkii ay hoggaamineysay TPLF ee Tigray, haddana wariyeyaasha ayaa sheegaya in dagaalka uu caddeyn muuqata u yahay in jabhaddan aysan wali quusan.